Ciidamada DFS oo saakay xiray Qaybo kamid ah Waddooyinka

Sawir hore

Ciidamada ammaanka DFS ayaa saakay qaybo kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo la sheegay in xalay xili dambe ay geysay Dowladda.

Dadka ayaa lugeynaya (Cagahooda maalaya), maadaama waddooyinka qaar loo diiday in ay maraan Gaadiidka Dadweynaha, xitaa waxa ay Askarta diideen Gawaarida yar yar ay wataan shaqsiyaadka aqoonsiga heysta.

Inkasta oo aysan jirin hadal kasoo baxay Dowladdu Federaalka oo ay uga hadleyso sababta keentay xiritaanka qaybo kamid ah waddooyinka Muqdisho & askarta dheeraadka ah ee la geeyay, balse saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada waxaa la hadal hayay dibadbax maanta ka dhacaya Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka ayaa xiliyada qaar xira waddooyinka Muqdisho iyada oo aysan Dowladdu bixin wargelin la xiriirta xirnaashiyaha jidadka, taasi waxa ay saameyn taban ku yeelataa Ardayda & shaqsiyaadka xili hore aada goobaha shaqada.

Isu gudubka waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo koobmay Isgoysyada oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo xiliyada qaar xirta, maadaama muddo dhowr sano ah ay xiran yihiin jidadka dhanka Xaafadaha.

La soco wixii kasoo kordha.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More