Xisbiga Kulmiye ee Gobaladda Waqooyi oo Muuse Biixi markii labaad u

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi, Muuse Biixi Cabdi ayaa loo doortay markii labaad guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka dib shirwayne xisbigaasi ku qabsaday magaaladda Caasimada ee Hargaysa waxaana ka qayb galay in ka badan 806 (siddeed boqol iyo lix) oo argo ah.

Xisbiga talada haya ayaa sidoo kale guddoomiye-ku-xigeenka koowaad u doortay, Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay, Axmed Cabdi Dheere. iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Xuseen Aadan –cadde, guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna ayaa loo doortay Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha maamulkaasi.

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi  Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar kale loo doortay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee la doortay ayaa yiri “Xil culus baad noo dhiibteene waxa aad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan, haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa”.

“Xisbiyadu waa meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la midaynayee waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga haddii uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii, taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa xeerku xisbiga siinayaa in uu markii labaad madaxweynaha Gobaladda Waqooyi ee shanta sano ee soo socota.

“Labadaydii teeram ee Xisbiga Kulmiye waan qaatay, mar kale isma sharraxayo, wakhtigaygii waan qaatay, imika igu dambaysay Kulmiye” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Axadle:- Hargaysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More