Reer Galbeedka oo ka caga jiidaya maalgalinta howlgalka cusub ee Soomaaliya ay doonayso in lagu beddelo ATMIS

Jimco, Juun, 21, 2024 (AX) – Wada xaajoodyada ku saabsan maalgalinta ciidamo cusub oo beddela kuwa haatan jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa noqday arrimo xaajadoodu adag tahay oo ay ka cago jiidayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka.
Midowga Yurub ayaa doonaya in la helo amar ka adag kan ay Soomaaliya rabto ee ciidamo cusub lagu aas aasayo, sida ay sheegeen saddex ka mid ah ilo-diblomaasiyadeed oo si dhow arrimahan ula scda.
Aqalka Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan wax jawaab ah ka bixin qorshaha ay doonayaan waddamada reer galbeedka, ee ah in qorshaha ciidamada cusub uusan noqon mid lagu degdego.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista ka bixitaanka bishan uu yahay mid la doonayo in lagu waafajiyo qorshaha dhimista howlgalka ATMIS-ka kadib.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in ay taageerayaan mabda’a ahaan soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee dhismaha howlgallada cusub, balse afhayeenku wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado gal-daloolooyin xagga amniga ah iyo galitaanka kharashaad aan loo baahnayn oo ka badan howlgalka hadda jira.
Labo diblumaasi oo ay wareysatay wakaaladda wararka ee Reuters, kuwaas oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay doonayaan in ay hoos u dhigaan howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, sababtoo ah waxay ku tartamayaan mudnaanta Ukraine iyo Gaza, waxayna doonayaan in Soomaaliya ay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda.
 


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More