Qaali Guhaad “waxaan la noolahay walbahaar iyo cuduro aan ka qaaday cadaalad u raadinta gabadheydii”

 
Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) – Hooyada dhashay Ikraan Tahliil  Faarax ayaa mudo dheer kadib maanta markale si dareen leh uga hadashay kiiska gabadheeda oo ay sheegtay in sadax sano kadib wali Cadaalad ay u baahan tahay.
Maamo Qaali Guhaad ayaa sido kale sheegtay in xaalado caafimaad daro ay lasoo gudboonaatay nolosheeda, islamarkaana ay ku dhaceen cuduro kala duwan oo halistooda leh.
“Wax ka qabsoomay weli ma jiraan, waa iska dhibanahay oo ma seexdo, sonkor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay illaa haddana wax ii damqaday ma jirto. Waxaan halkaan baaq ugu dirayaa madaxda dalka oo ugu horreeyay madaxweyne Xasan Sheekh, Raysal wasaare Xamse, Aadan Madoobe oo dhamaantood ay ballan qaadeen arrintaan wax ka qabanayaan, waxaa ka codsanayaa in ey kiiskaan wax ka qabtaan” ayey tiri Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Qaali.
Qaali Guhaad ayaa sidoo kale sheegtay in habeen walba ay ku seexato xaalad walbahaar ah, islamarkaana ay madaxda dowladdu ka codsaneyso in kiiska gabadheeda wax ka qabashadiisa ay meel mariyaan.
“Kiiska gabadheyda qof walba oo Soomaali ah ayaa isha ku haaya, wey iga aamusan yihiin oo wax la iiqabtay ma leh oo wal bahaar ayaa la noolahay. Waxaan ka codsanayaa in kiiskaas meel mariyaan si ay umadda Soomaaliyeed u badbaadan oo dhibaato loogu geysan, sida gabadheyda oo kale” ayay tiri Qaali Guhaad.
Hooyo Qaali ayaa qalbigeeda isku qaboojineysa ayaa tiri “Waxaan jeclahay in wax laga qaban doono arrintaan”
Ugu dambeyntii Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsaneyd hay’adda NISA ayaa qoyskeeda horay waxay u sheegeen in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta Taliskii NISA ee uu Agaasimaha ka ahaa xiligaas Fahad Yaasiin.




This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More