Midowga Afrika oo qiimaynaya codsiga Soomaaliya ee ku aaddan in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS

Jimco, Juun, 21, 2024 (AX) – Ururka Midowga Afrika ayaa darsaya codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in la dhimo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.
Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sannadkan ay dowladda Soomaaliya ka codsatay golaha nabadda iyo ammaanka ee ururka (PSC) in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo muddada kala bar bixitaanka ciidamada.
Xukumadda Soomaaliya waxa ay dooneysaa in 2,000 oo askari oo kaliya ay baxaan bisha June, halka 2,000 oo kalena ay ka baxaan bisha September.
Sarkaal katirsan dowlaadda Soomaaliya ayaa u sheegay AFP, in xukuumadda Muqdisho ay soo bandhigtay baahida loo qabo in la qaado howlgal duulaan ah.
Waqti xaadirkan, 13,500 oo askari oo ATMIS ah ayaa ku sugan Soomaaliya.
Kulan ka dhacaya Addis Ababa, ayaa guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika (PSC) la filayaa inay ka bixiyaan jawaab ku aaddan codsiga Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ciidamada ATMIS laga dhigo eber ugu dambeyn 31-ka December iyadoo loo marayo marxalado kala duwan oo dalka laga saarayo, iyadoo amniga lagu wareejinayo ciidamada iyo booliiska Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More