Xulka Argentina Oo Guul Ku Bilowday Copa America 2024.

Xulalka qaranka Argentina ayaa guul ku bilaabatay tartanka Copa America.

Argentina ayaa guul ka gadhay xulalka Canada kulan dhinac kaliya ahaa.

Saaxiibada Lionel Messi ayaa maamulayay ciyaarta iyaga si dagan isula jaan qaaday ciyaarta.

Julian Alvarez ayaa daqiiqadii 49-aad dhaliyay goolka furitaanka waxana uu hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulalka Canada ayaa isku dayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan laakiin taasi uma suurtagalin

Iyada oo xulka Canada rajo ka qabo in ay ugu yaraan dhaliyaan goolka bar-baraha ayuu xiddiga Martínez dhaliyay goolka 2-aad kadib baas uu ka helay Messi.

Waxana sidaas ku dhamaaday ciyaarta oo uu xulka Argentina guul ku bilowday difaacashada Copa America.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More