Hogaamiye Biixi: Waxaanu u halgamaynaa madaxbannaanidayada

 
Jimco, Juun, 14, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi ay halgan ugu jirto madaxbannaanideeda, isaga oo sheegay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horeeya ee aqoonsada.
Hogaamiyaha oo waraysi siiyay The Economist, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi anay ahayn dal dalkale ka go’ay balse ay tahay qaran madaxbannaan oo dib ula soo noqday madaxbannaanidiisa.
Hogaamiyaha ayaa sheegay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee rumeeya riyada aqoonsi raadinta Gobaladda Waqooyi, isaga oo sheegay in taa badalkeeda ay Itoobiya ka kirayn doonaan 20 KM oo ay ka dhisato saldhig badeed.
“Waxaanu halgan ugu jirnaa madaxbannaanidayada sida waddan kasta oo kale oo qaarada ahba uu sameeyay” ayuu Hogaamiye Biixi u sheegay The Economist.
Hogaamiyaha oo ka hadlay halgankii hubaysnaa ee SNM, ayaa sheegay in u jeedadiisu ay ahayd in Gobaladda Waqooyi ay dib saxdo qalad ay ku gashay midnimadii ay la gashay Soomaaliya 1960.
Gobaladda Waqooyi ayaa aqoonsi raadinaysay tan iyo sannadkii 1991 oo ay ku dhawaaqday in ay ka noqotay midnimadii lagu dhisay Jamhuuriyadii Soomaalida, walina umay suuragalin riyadeeda ah in ay noqoto dal sharci ahaan madaxbannaan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More