Guddiga gaadiidlayda gobolka Banaadir oo lagu eedaynayo in

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku kala diray guddiga iskaashatooyinka  gaadiidlayda gobolka Banaadir ka dib markii lagu eedeeyey in ay ku milmeen waxa loogu yeero argagixisada.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Saalax dheere oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in guddiga Iskaashatooyinka gaadiidlayda Gobolka Banaadir ay ku milmeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Saalax Dheere oo aan shirkiisa jaraa’id su’aalo lagu waydiin ayaa wareegtadiisa ogaysiiyay Xafiiska Wasiirka 1 aad ee Xukumada Faderaalka Soomaaliya,Talisyadda Booliska  iyo Nabad Sugida Soomaaliya waxa uuna sheegay in la soo dhisi doono guddiga Iskaashatooyinka gaadiidlay gobolka Banaadir oo uu sheegay in lagu samaynayo baaritaan dheeri ah si loo hubiyo ayuu yiri “in ay xiriir laleeyihiin Argagixisadda”.

Shirkiisa Jaraa’id oo soconaya Saddex daqiiqo ayuu sheegay in kala dirista guddigaan ay timid ka dib markii ay arkeen warbixinta hay’adaha amaanka Soomaaliya.

Saalax Dheexe ayaa sheegay in ay beegsa doonaan ciidii Dhaqaale iyo dhiiragalin u samaysa waxa uu ugu yeeray Argagixisa siga oo faray taliska Booliska in ay masuuliyad iska saaraan amaanka caasimadda wadan ee Muqdisho.

Waxa uu ka digay in Xoogga hubaysan ee Al Shabaab loo dusiyo xogto dowladda.

Warqad ku taariikhaysan 03-October 2020, oo ay aragtay Axadle lana ogaysiiyay dhamaan Wasaaradaha dalka, Xafiis-yadda Hogaamiyaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in baaritaan la xiriira amaanka laga samaynayo wasaaradaha si loo hubiyo shaqaalaha in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo inkale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More