10ka Xiddig Ee Ugu Wanaagsan Khadka Dhexe Waqtigan Oo La

Tobanka ciyaartoy ee ugu wanaagsan hal-abuurka iyo kubbad samaynta waqtigan dunida oo dhan ayaa la shaaciyey, waxaana hormood u ah xiddigo waaweyn oo kooxahooda u yeedhiya kubbadaha quruxda badan ee ay garoomada kusoo bandhigaan iyo guulaha ay gaadhaanba.

Majaladda FouFourTwo ayaa qiimayn ay samaysay waxay ku ogaatay tobanka ciyaartoy ee xilligan ugu fiican kubbad abuurista ee weeraryahannada siiya kubbado goolal noqda ama ku dhowaada, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay ruug-caddaaga Bayern Munich ee Thomas Muller.

Laacibkan ayaan ka mid ahayn xiddigaha ay markiiba taageereyaasha kubadda cagta magaciisa lasoo boodaan, laakiin waxa xaqiiqo ah in booska uu ugu jiro Munich iyo waddankiisaba ay adag tahay in cid kale buuxiyo.

Muller ayaa ah no.10 dhab ah marka dhinac walba laga eego, waxaana 12kii bilood ee ugu dambeeyey uu caawiye ka noqday 26 gool oo asxaabtiisu dhaliyeen iyo 14 gool oo uu isagu shaqiyan dhaliyey, taas oo keentay inuu cid walba kaga horreeyo liiska 10ka ciyaartoy ee waqtigan ugu fiican khadka dhexe.

Xiddiga Manchester City ee Kevin de Bruyne ayaa kaalinta saddexaad ku jira, waxaana uu xili ciyaareedkii hore soo afjaray rikoodhkii gool caawinta horyaalka Premier League uu u dhigay Thierry Henry oo ahaa 20 gool, taas oo isaguna uu gaadhay tiradaas, balse uu ku doodayo in uu sameeyey 21 caawimood oo laga duudsiyey hal kubbad oo kusii dhacday ciyaartoy kale ka hor intii aanay gaadhin laacibkii uu u waday.

Jack Grealish ayaa kaalinta ugu dambaysa ee 10aad fadhida, waxaana uu xili ciyaareedkii hore kooxdiisa ka badbaadiyey inay u dhacdo heerka labaad.

Laakiin waxa layaab ah in da’yarka Real Madrid ee Martin Odegaard uu liiskan kaalinta siddeedaad kaga jiro, waxaanu ku mutaystay bandhiggii cajiibka ahaa ee xili ciyaareedkii hore uu kusoo bandhigay Real Sociedad oo uu amaah ugu maqnaa.

Kai Havertz oo ay Chelsea kasoo iibsatay Bayer Leverkusen ayaa shanaad fadhiya, halka Burno Fernandes oo ah farshaxinistaha Manchester United ee tan iyo bishii February ahaa hormoodka Red Devils uu gorgortan la’aan uga mid noqday ciyaartoydan.

James Rodriguez oo Everton ay kala soo wareegtay Real Madrid ayaa dhaliyey saddex gool, afar kalena caawiye ka noqday shan kulan oo horyaalka Premier League ah oo uu ciyaaray, waxaana uu bandhiggiisan cajiibka ah ku mutaystay in kaalinta saddexaad uu ka galo liiska kubbad-sameeyeyaasha ugu wanaagsan dunida waqtiga.

Halkan kaga bogo 10ka xiddig ee ugu fiican kubbad-samaynta waqtigan:

10. Jack Grealish (Aston Villa)

9. Christian Eriksen (Inter)

8. Martin Odegaard (Real Madrid)

7. Giovanni Reyna (Borussia Dortmund)

4. Bruno Fernandes (Man United)

3. James Rodriguez (Everton)

2. Kevin De Bruyne (Man City)

1. Thomas Muller (Bayern Munich)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More