Golaha Shacabka BFS oo maanta u codeynaya Xukuumadda RW

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta cod gelinaya Xukuumadda uu magacaabay Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 19-kii Bishaan oo ku beegan isniintii todobaadkii tagay.

Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa loo diray fariinta Ajendaha kulankooda maanta oo ah U Codeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu Golaha Shacabka la wadaago tallaabooyinka ugu horeeyo ee ay qaadeyso Xukuumaddiisa magacaaban haddii codka kalsoonida hesho.

Saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo looga hadlayay sidii codka kalsoonida loo siin lahaa Xukuumadda Rooble oo heysata 107-cishe oo u dhiganta 3-bilood iyo 15-Maalmood, waa inta udhaxeysa maanta ilaa 8-ta febaraayo oo ah waqtiga ugu dambeeyo muddo xileedka Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxqabadka ugu weyn ee laga sugayo Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah hirgelinta doorashada 20/21 oo ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha heer Federaal & heer Dowlad Goboleed.

Waana imtixaanka ugu culus ee ka shaqeyntiisu sugeyso Xukuumadda Magacaaban oo maanta codka kalsoonida loo weydiinayo Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya si muddo xileedkaas kooban ay u qabato howlahaas horyaalla.

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib magacaabista Xukuumadda cusub waxa uu Golaha Shacabka ka dalbaday in codka kalsoonida uu siiyo si shaqooyinka horyaalla ay u gada-gasho.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More