Jabuuti oo shacabkeeda uga digtay jebinta xayiraadda ay ku

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhaqangalay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cishe ah si loo xakameeyo Xannuunka Coronavirus oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay waddankaas.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanta halka uu kasoo laba-kacleeyay xannuunka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan muddada 15-cishe ah ee laga joojiyay isu socodka xuduudaha oo dano gaar ah ay ka leedahay Dowladdiisa.

Muumin ayaa sheegay in muddadaas kooban lagu qiimeynayo xawaaraha cudurka, maadaama ay kala garan la’yihiin in sababta kordhineysa ay tahay isu gudubka dadka & in xannuunka uu wali gudaha ku dambeeyo.

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye ayaa sheegay in Dowladda ay kordhineyso adeegyada baaritaannada dadka looga shakiyo xannuunka si loo hubiyo xaaladda qofka.

Jabuuti waa waddanka 30-aad ee Afrika dhanka kala sareynta dalalka laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee fayruska Corona, waxaana guud ahaan dalkaas laga helay 5,528 Xaaladood & Dhimashada 61-ruux.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More