Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya xaaladda amni ee Soomaaliya

Axad, Juun, 23, 2024 (AX) – Golaha Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan xog-wareysi iyo wadatashi ah oo ku saabsan Soomaaliya.
James Swan, oo ah ku simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Mohammed El-Amine Souef, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS ayaa warbixin siin doona golaha Ammaanka.
Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inay ka doodaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub, xilli Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ka cago jiidayaan maalgalinta howlgalkan.
jimcaha ayay ahayd markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay taageereen codsiga Soomaaliya ee ku saabsan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.
Guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay, in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ah si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada hawlgallada ka hortagga kooxaha argagixisanimada.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More