N’Golo Kante Oo Jabiyay Rikoodh Uu Xavi Ka Dhigay Tartanka Euro-da.

Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara xulka France ee N’Golo Kante ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee tartanka Euro 2024.

Kante ayaa guul ku hogaamiyay xulkiisa kulankii Belgium ee wareega 16-ka tartanka Euro 2024.

Kadib guusha xiddiga Kante ayaa jabiyay rikoodh uu tartanka Euro ka dhigay Halyeeyga Xavi.

Kante ayaa noqday xiddiga ciyaaray kulamada ugu badan ee ciyaaray tartanka isaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin.

Kante ayaan laga badin 12 kulan oo uu ciyaaray tartanka Euro-da isaga oo dhaafay Xavi oo haystay 11 kulan oo guuldaro la’aan ah tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More