Geelle wuxuu gaadhay Carta si uu usoo Bandhigo Ololihiisa

Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Arbacada u safri doona Tuulada Carta si uu ula hadlo taageerayaasha xisbigiisa oo taageersan doorashada 9-ka Abriil, 2021-ka.

Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu maanta booqan doono Tuulada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti isla markaana uu bulshada u soo bandhigi doono qorshaha shanta sano ee soo socota haddii uu ku guuleysto doorashada.

Ismaaciil wuxuu booqday degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolada Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuuna ku jiraa heer gabagabo ah oo olole ah si uu u soo bandhigo waxqabadkiisii ​​hore iyo himilada mustaqbalka dhow.

Tuulada Carta waxay ku taal koonfur-bari Jabuuti. Gobolku wuxuu hoy u yahay 50,017 qof. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga taagay astaamo lagu taageerayo madaxweynaha.

Carta waxay xusuus gaar ah u leedahay Jabuuti iyo Soomaaliya markii la qabtay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed sanadkii 2000 aakhirkiina la dhisay dowlad ku meel gaar ah (TFG) oo ah silsilado dowladihii isaga dambeeyay Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More