Dhallinyaro u dabaal-degeysa 26-ka Juun oo sabab yaab leh lo…

Boorama (Axadle) – Ciidamada booliska Gobaladda Waqooyi ayaa maanta magaalada Boorama ee gobolka Owdal ku xirxiray dhalinyaro u dabaal degeysay munaasabadda 26-ka Juun, iyagoo weyneynayey maalintaan ku asteysan xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi ee Somalilnd.

Ciidamada Gobaladda Waqooyi kama soo hor-jeedin in loo dabaal dego maalintan, balse dhalinyarada xabsiga loo taxaabay waxay ku soo labisteen calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaas xasaasiyad uu ku qabo maamulka Gobaladda Waqooyi, maadaama ay sameysteen calan u gaar ah.

Dhalinyaradaan ayaa si ay u muujiyaan dabaal-degooda 26-ka Juun waxay isugu tageen meelo doog leh oo banaanka ah magaalada Boorama, halkaas oo ciidamada booliska Gobaladda Waqooyi ay uga dabateen, kadib markii ay ka war-heleen inay sitaan calanka buluugga ah ee Soomaaliya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay dhalinyaradaas oo dusha ka saran gaadiidka booliska Gobaladda Waqooyi oo dhex-maraya magaalada, waxaana loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Boorama.

Gobaladda Waqooyi marar badan ayey xabsiga dhigtay dad ku labistay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse waxaa muuqata in dhalinyarada ku nool gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay jecelaan lahaayeen midnimo, waxayna qaar badan oo ka mid ah u safraan Muqdisho, si ay uga baxaan caburinta.

Ammaanka, kala dambeynta, ilaa xad adeegyada dowliga ah iyo dimuquraadiyadda ayaa lagu amaanaa maamulka Gobaladda Waqooyi, intaas oo maamulkaasi uu uga horeeyo dhammaan maamullada ka arrimiya dhulka kale ee Soomaalidu ay degto, balse waxaa aad loogu dhaliilaa adkeysi la’aanta ka heysata xorriyatul qowlka, waxaana qofka muwaadinka ah xabsi loo dhigaa sanado badan hadal uu afka ka yiri, oo mararka qaar aan wadan wax ficil ah.

Hoos ka daawo warbixin uu ka diyaariyey Dalsan TV

Hoos ka eeg Sawirrada dhalinyarada la xiray

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More