DG Jubbaland oo dejisay qorshe lagu sugayo ammaanka

Aargada Magaalada Kismaayo

Duleedka magaalada Kismaayo waxaa ka socda howlgal laamaha ammaanka maamulkaas ku sheegeen in lagu xoojinayo xasiloonida xarunta KMG ah ee DG Jubbaland oo lagu qabanayo doorashada qaar kamid ah kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Kismaayo waxaa ka safray saraakiil ciidan oo haatan ku sugan deegaannada dhaca duleedka Magaalada si ay u xoojiyaan howlgalada ka socda ee lagu sugayo ammaanka.

Saraakiisha ammaanka ayaa iska xog dhageystay sida laga yeelayo ammaanka magaalada Kismaayo oo maalmihii lasoo dhaafay dilalka & qaraxyada ay ku kordheen, maadaama wufuud u badan Ergada beelaha kuraasta ay ku wajahan tahay.

Qorshaha sugidda amniga ee kasoo baxay kulankaas ayaa ah in la xoojiyo askarta ku sugan deegaannada ka baxsan Magaalada Kismaayo oo iyaga qudhooda marar kala duwan Al-Shabaab weerartay.

Askarta Kenya ayaa dhankooda qayb ka qaadanaya howlaha dhanka ciidanka ah ee lagu xoojinayo howlgalada ka socda Gobolka Jubada Hoose, halka Magaalada Kismaayo ammaankeeda loo dhiibayo ciidamo u badan Nabadsugidda.

26-kii Oktoobar 2020, Magaalada Kismaayo waxaa lagu toogtay Madaxii Shirkadda Amal qaybta Magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan (Cabdullaahi Shigshigow), waxaana kasii horeeyay dilalka kale oo ka dhacay Magaaladaas.

13-kii Sebteembar 2020, Nabadsugidda DG Jubbaland ayaa xirtay, isla markaana soo bandhigtay xubno ay sheegtay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab, halka 11-kii Sabteembar 2020 ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa dilay Shaafi Raabi Kaahin Guddoomiyihii rugta ganacsiga DG Jubbaland.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More