Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo maanta

Magaalada Jowhar waxaa ka socda diyaargarowga isdiiwaangelinta musharixiinta ku hamineysa qabashada Guddoomiyaha & labadiisa ku xigeen ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, kadib markii la shaaciyay waqtiga doorashada ay dhaceyso.

Araaji qabashada musharixiinta ayaa maanta si toos ah u bilaabaneysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Xarunta Hir-Shabeelle ka dhacay kulamo kala duwan oo ay qabsadeen qaar kamid ah xubnaha xil-doonka ah.

Guddiga doorashada ee uu magacaabay Guddoomiyaha KMG ah Baarlamaanka Labaad Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay in Arbacada oo ah 4-ta Nofeember 2020 ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

 

Musharixiinta ayaa berri oo Talaado ah 03.11.2020 hadal jeedin u hortagaya Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle si ay ugu bandhigaan qorshe siyaasadeedka musharax waliba uu u arko in codka Xildhibaannada uu ku heli karo.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay, waxaana heegan la geliyay Ciidamada Daraawiishta DG Hir-Shabeelle, Askarta DFS ay geysay Magaaladaas & kuwa AMISOM ee xiran Koofida Nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Hirshabeelle:-Adi lee dubo adi lee daangayso!

Sheekh Shariif maku biiray safka Nabad & Nolol ee doorashadda Hirshabeelle?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More