Dadka eheladooda ku aasan yihiin qabuuraha Iskuul Buluusiya oo cabasho ka ah lacago la weydi

Talaado, Juun, 11, 2024 (AX) – Waxaa maanta afaafka hore ee qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyay dad weyne aad u badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo baadi goobayay meydadka dad ka mid ahaa eheladooda oo sanado ka hor ay ku aaseen qabuurahaas.
Talaabada dadkaan ku buux dhaafiyen afaafka hore ee qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa timid, kadib markii Shalay galinkii dambe masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka ay shaaciyeen in dowladda u baahan tahay dhulka qabuuraha, islamarkaana ay fartay meydadka ku aasan dadkooda iney uga saartaan qabuuraha mudo ku siman 10 cisho.
Qaar ka mid ah dadka eheladooda ku aasan yihiin qabuuraha ee tagay goobta ayaa amarka dowladda ku sheegay inuu yahay mid aan laga fiirsan oo ay si wayn uga wada naxeen dadka Soomaaliyeed.
Dadkaan oo qaarkood waarbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in markii ay tageen qabuuraha si ay ula baxaan meydadka dadkooda iney la kulmeen arin kale oo kasii yaabisay oo ah iney warqad ogolaasho ah kala yimaadaan maamulka gobolka, taasoo lagu soo qaadanayo lacag dhan 20 doolar si ay ula baxaan meydka.
 “Saaka ayaan imaanay waxay na dheheen warqad ka doonta Gobolka Banaadir, dowladda amarkeeda lama diidi karo, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay warqaddaas nagadhaafto. Ma awoodno lacagtaas awal ayaan la murugeysneen dadkeenii inaan qabuuraha kasoo saarno sanado badan kadib ee dowladda waxaan ka codsaneyna iney noo ogolaato inaan neydadka baxsano” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ehelladooda ku aasan yihiin qabuuraha.
Ehelada qaar ayaa dowladda ka codsaday iney ka laabato amarka ay ku bixisay in meydadka looga saaro qabuuraha, maadama aysan garan karin halka ay ku aasan yihiin dadkooda.
“Aniga hooyadey halka ay ku aasan tahay ma garan karo dowladda waxaan ka codsanaya in ilaahey dartiis inoogu dhaafaan qabuuraha” ayay tiri gabar hooyadeed ku aasan tahay qabuiraha.
Amarka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ee ah in meydadka laga saaro qabuurahaas ayaa ah saacadahii lasoo dhaafay mid si weyn u hadal hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dareen ahaan si isku mid ah uga wada xumaaday dhacdaan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More