“Maamulka La Liga Messi Uma Ogolaan Karo Inuu Tago, Qalad Ayay Noqon
Madaxweynaha kooxda Getafe ee Angel Torres ayaa shaaca ka qaaday in maamulka horyaalka La Liga aysan ogolaan karin in kabtankii Barcelona ee Lionel Messi uu kooxdaasi ka tago haddiiba ay taasi dhacdana ay qalad noqon doonto.Heshiiskii uu Messi ku joogay Barca ayaa dhacay bil kahor 34 sano jirkaas ayaana mudadaas koox la’aan ah walow lagu wado inuu heshiis cusub oo shan sano ah qalinka ugu duugo kooxda uu 17-ka sano safkeeda koowaad kasoo tirsanaa.Sababta aan wali heshiiska cusub ee Messi loo saxeexin ayaa ah inay Barcelona…