Koox xanibtay waddada isku xirta Jabuuti iyo Addis
Adds-Ababa (Axadle) – Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters.
Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaarsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Ethiopia.
VOA si madax-banaan uma xaqiijin karto xanibaadda la sheegay in lagu sameeyey waddada.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia…