SAWIR: Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ee Muuqaalkiisa Aan Laga Garan Karin

Sawir dhawaan looga qaaday xiddiga Barcelona Riqui Puig garoonka tababarka ayaa noqday mid weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo taagerayaal badan ay la barbardhigeen sida uu ugu muuqaal eg yahay Robin van Perise.

21 jirkaan khadka dhexe ayaa ka qeyb qaadanayay tababarka ay Barcelona isagu diyaarineyso xilli ciyaareedka cusub iyagoo kulankooda ugu horeeya xilli ciyaareedka la dheeli doona Real Sociedad 15ka bisha Agoosto.

Puig oo 24 kulan u saftay Barcelona tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa rajeynaya inuu boos joogta ah ka helo kooxda tababare Ronald Koeman si uu uga caawiyo ku guuleysiga horyaalka markii ugu horeysay tan iyo 2019.

Iyadoo xiddigaha sida Antoine Griezmann iyo Frekie de Jong ay ku soo laabteen tababarka buuxa, xiddiga tayada leh Puig ayaa u dhoolacadeeyay kaamirada, laakiin ma uusan ogeyn in sawirkiisa uu noqon doonto mid ku faafa baraha bulshada.

Bogga rasmiga ah ee ay Barcelona ku leedahay Twitter ayaa sawirkaan markii ugu horeysay soo bandhigay, taasoo durbadiiba keentay in lala barbardhigo xiddigii hore ee Arsenal iyo Manchester United Robin van Persie.

Riqui Puig doing his best Van Persie impression so Koeman would give him minutes ??? https://t.co/aLMzKkRv4e

— ??? (@FDJChief) July 28, 2021

Xaqiiqdiina, dadka qaar ayaa ku kaftamay in Puig uu isku dayayo inuu iska dhigo Van Persie si uu boos joogta ah uga helo macalinka reer Holland Koeman.

Daafaca Barcelona Gerrard Pique ayaa ka mid ah dadkii ugu horeeyay ee tilmaama in Puig uu u muuqaal eg yahay Robin van Persie.

Van Persie

— Gerard Piqué (@3gerardpique) July 27, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More