Banaan-baxyo horleh oo maanta ka dhacay Muqdisho
Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maanta markale dibad-bax ballaaran ka dhigay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, iyagoo baaq u diray dowladda dhexe.
Waalidiintan ayaa weli baadi goob ugu jiro wiilashooda oo war iyo wacaal laga waayey, tan iyo markii loo qaaday dalka Eritrea, waxana cabashadu ay kasii dartay markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in dhalinyaradaas qaarkood laga dagaal-geliyey gobolka Tigray.
Dibad-baxayaasha oo…