Waa Kuma Xiddiga Liverpool Usoo Baxay Ee La Barbar-dhigay Halyeeyadii
Way adag tahay in la helo ciyaartooyo waqtigan jooga oo lagu tilmaami karayo amaba la barbar-dhigi karayo xiddigihii Spain iyo Barcelona ee Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez. Sidaas oo ay tahay, warbaahinta Ingiriiska ayaa ku dooday in Liverpool uu usoo baxay xiddig da’yar oo muujiyey saansaan ciyaareed oo u eg middii labadan halyey.Ciyaartii saaxiibtinimo ee Liverpool guul-darradu kasoo gaadhay ee Khamiistii ay la ciyaareen kooxda reer Germany ee Hertha Berlin oo ku garaacday 4-3, waxay ahayd mid farxad iyo guul-darro isku…