Waa Kuma Xiddiga Liverpool Usoo Baxay Ee La Barbar-dhigay Halyeeyadii

Way adag tahay in la helo ciyaartooyo waqtigan jooga oo lagu tilmaami karayo amaba la barbar-dhigi karayo xiddigihii Spain iyo Barcelona ee Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez. Sidaas oo ay tahay, warbaahinta Ingiriiska ayaa ku dooday in Liverpool uu usoo baxay xiddig da’yar oo muujiyey saansaan ciyaareed oo u eg middii labadan halyey.

Ciyaartii saaxiibtinimo ee Liverpool guul-darradu kasoo gaadhay ee Khamiistii ay la ciyaareen kooxda reer Germany ee Hertha Berlin oo ku garaacday 4-3, waxay ahayd mid farxad iyo guul-darro isku raaceen, sababtoo ah waxa usoo noqday Van Dijk iyo Joe Gomez oo sagaal bilood iyo dheeraad garoomada ka maqnaa.

Jurgen Klopp waxay indhihiisu qabanayeen labadan ciyaartoy oo muujiyey badqab iyo inay taam u yihiin xilli ciyaareedka labada toddobaad ka hadhsan yihiin waqtiga uu bilaabmayo. Laakiin intaas oo kaliya ma ahayn, waxayse kaamirooyinku si gaar ah u hayeen laacib kale oo wacdaro ka dhigayay khadka dhexe.

Sadio Mane iyo Takumi Minamino ayaa labada gool u dhaliyey qaybta hore iyadoo laba gool lagala hormaray, waxaase laba daran-doori ah qaybtii dame isku raaciyey Stevan Jovetic halka uu Chamberlain goolka saddexaad u keenay Reds.

Naby Keita ayaa labadii kulan ee u dambeeyey ahaa birqabad aanay kubaddu lugtiisa ka baxsanayn oo ay ku dhegayso, waxaanu ahaa injineerka khadka dhexe balse haddana isaga way sii dhaafsanayd amaantu, waxaanay ku aaddanayd laacib da’yar oo kasoo laabtay amaah.

Harvey Elliott oo xilli ciyaareedkii hore kusoo qaatay amaah uu ugu maqnaa Blackburn Rovers oo uu 18 gool oo caawin iyo dhalin iskugu jirta uu usoo saxeexay, waxa uu ahaa laacibka khadka dhexe xalay wacdaraha ka dhigay qaybtii hore.

Jason McAteer oo ciyaarta falanqeeye ka ahaa ayaa waxa uu uu Harvey Elliott barbar=dhigay halyeeyadii Barcelona ee Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta oo uu sheegay in uu ifafaalahoodii leeyahay, isla markaana ciyaartiisu xasuusinayso labadaas halyey.

McAteer ayaa yidhi: “Booskiisa ugu wanaagsan waa su’aal ‘hal milyan oo dollar ah’. Anigu waxa aan arkayaa Xavi iyo Ineista. Mar kale waxa aan arkayaa Thiago. Waa ciyaartoy sidaas oo kale ah oo soo kobcaya.”

Si kastaba, doodda Jason McAteer ayay suurtogal tahay in aanu helin cid ku raacda, sababtoo ah, way adag tahay in la helo Xavi iyo Iniesta oo waqtigan ciyaaraya, waxaana sii adkaynaysa in wiil 18 jir ah lagu tilmaamo heerkaas oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More