WARBIXIN: 10kii Ciyaartoy Ee Arsenal U Xidhay No4, Kuwii Ku Fashilmay
Waxaynu kasoo bilaabaynaa intii horyaalka heerka koowaad ee Ingiriisku uu qaatay magaca Premier League oo kasoo bilaabmaysay sannadkii 1992kii, waxaanaynu soo gaadhsiinaynaa illaa hadda oo ah 2021. Warbixintu waxay u gaar tahay Arsenal, waxay kaga sii aaddan tahay ciyaaryahannadii u xidhay No4 oo hadda loo xidhay Ben White oo ay Arsenal lasoo saxeexatay xagaagan.Gunners ayaa £50 milyan oo Gini kasoo bixisay Ben White oo ay kala soo wareegtay Brighton, waxaana Jimcihii lagu soo bandhigay Emirates Stadium iyadoo loo xidhay…