Labo Ka Mid Ah Xiddigihii Waa Weynaa Ee Liverpool Ee Uu

Liverpool ayaa war farxad leh heshay maanta iyadoo Sadio Mane iyo Thiago Alcantra ay ciyaari karaan kulanka adag ee Merseyside Derby ee horyaalka Premier League.

Labada ciyaaryahan ayaa ku soo laabtay maanta oo Isniin ah xarunta tababarka Liverpool ee Melwood ka dib markii laga waayay fayraska Korona oo ay karantiil ugu jireen muddo 10 maalmood ah.

Labada xiddig ayaa laga helay Korona Fayras ka hor inta uusan Premier League hakad u gelin kulamada heerka caalami, waxayna sababtay inay seegaan kulamada xulalkooda.

Thiago ayaa sidoo kale seegay kulamadii Arsenal iyo Aston Villa halka Mane uu ka maqnaa kulankii Villa Park iyadoo ay qasab ku aheyd inay muddo kooban karantiil isgeliyaan.

Thiago ayaa si maldahan u xaqiijiyay inuu ka bogsaday Fayraska markii uu baraha bulshada soo dhigay maalin ka hor sawir uu dhex joogo bartamaha magaalada Liverpool.

Sida uu qabo sharciga Ingariiska, ciyaaryahan walba oo laga helo Fayraska waxaa qasab ah inuu karantiil galo ugu yaraan toban maalmood ka dibna labo jeer la baaro labada jeerna laga waayo ka hor inta aan loo ogolaanin inay tababar la sameeyaan kooxda inteeda kale.

Madaama ay labadooduba ku soo laabteen tababarka waxay la micno tahay in laga waayay fayraska labadii jeer ee laga baaray, waxayna diyaar u yihiin inay ciyaaraan kulanka Everton ee Sabtida.

Tababare Jurgen Klopp ayaa jecel inuu ciyaarsiiyo ciyaartoyda nastay inta lagu maqan yahay kulamada heerka caalami iyadoo xiddigihiisa qaar ay ku kala maqan yihiin daafaca dunida iyagoo dib tababarka ugu soo laabanaya Khamiista, sidaasi darteed waa xaqiiq inay Thiago iyo Mane ciyaari doonaan.

Klopp ayayse u muuqataa inuu waayi doono Naby Keita ka dib markii xiddiga khadka dhexe laga helay Korona Fayras intii uu la joogay xulkiisa Guinea.

Keita iyo afar xubnood oo ka tirsan xulka Guinea ayaa laga helay fayraska iyagoo isku diyaarinayay kulamo saaxiibtinimo oo ay Portugal kula ciyaari lahaayeen Cape Verde iyo Gambia, wuxuuna durbaba galay Karantiil.

Wuxuu haatan sugayaa baaritaan kale haddii baaritaaskaas uu mar kale xaqiijiyo inuu qabo fayraska waxaa qasab noqoneysa inuu karantiil sii galo isbuuc kale taasoo xaqiijin doonta inuu seegayo kulanka Everton iyo kulanka Champions League ee Ajax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More