Madaxa Akadeemiga Arsenal Mertesacker Oo Kashifay Sababta Uu
Madaxa akadeemiga Arsenal Per Mertesacker ayaa xaqiijiyay in sababta Mesut Ozil looga saaray kooxda inaysan aheyn qaab ciyaareedkiisa ama tababarkiisa isagoo soo jeediyay inay tahay mid la xiriirta noloshiisa gaarka ah.Kubadsameeyaha Jarmalka oo 32 sanno jir ah ayaa gabi ahaanba waxaa kooxda ka saaray tababare Mikel Arteta bilooyinkii ugu danbeeyay.Ozil ma uusan u ciyaarin Gunners tan iyo kulankii ay 1-0 kaga badiyeen West Ham 7dii bishii March.Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa sidoo kale laga reebay liiska xiddigaha Gunners…