Maxay Nice ugu noqotay bartilmaameedka argagixiso ee gudaha Faransiiska?
Raysul wasaaraha France Jean Castex ayaa ku dhawaaqay in wadanka uu kujiro heegan degdeg ah kadib markii sadex qof lagu dilay magaalada koonfureed ee Nice khamiistii. Tani ma ahan weerarkii argagixiso ee ugu horeeyey ee ku soo aaday maalin weyn oo diini ah ama qaran ee laga xuso magaalada Riviera ee cariga Faransiiska.
Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in weerarka midida loo adeegsaday uu ka dhacay kaniisadda magaalada ku taal ee (Notre Dame) isla markaana booliska ay xireen ninka weerarka gaystay.
Ilo booliis ayaa sheegay in seddax qof la xaqiijiyay inay dhinteen oo ay ku jirto haweeney madaxa looga jaray weerarka. Mid ka mid ah dadka lagu dilay gudaha kaniisada ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa waardiyaha kaniisada, ayuu yiri Estrosi.
Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu dhacaa waqti muhiim ah oo ay jireen jadwalooyin diimeedyo kala duwan. Maalinta weerarka laftiisa, ee Oktoobar 29, waxaay ku beegneyd dhalashada rasmiga ah ee Nebi Muxamed NNKH,Dhanka kale kaniisada Katooliga, 1-da Nofeembar waxaa loo yaqaan ‘Toussaint’ ama All Saint’s Day.
Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa cambaareeyay weerarkii Khamiista waxayna ugu baaqeen Muslimiinta in ay joojiyaan dabaaldegooda Mawliidka – ee ay ku xusayaan dhalashada Nabiga – taas oo ah “calaamadda baroor diiq iyo isgarabsiinta dhibbanayaasha iyo eheladooda”.
Weerarkii Khamiista ayaa yimid iyadoo Faransiisku weli la ciir-ciirayo baroortii ka dhalatey qoor goynta horraantii bishan loo geystay macallinka dugsiga dhexe wax ka dhigaa Dalka faransiiska ee magaciisu ahaa Samuel Paty kaas oo nin asal ahaan ka soo jeeda Chechnya uu dilay, kaasoo sheegay inuu doonayo inuu ku ciqaabo Paty inuu tusay arday farshaxan gacmeed kartoon ah oo uu ku sheegay in uu yahay Nebi Muxamed NNKH xili uu ku jira bixinta Madaada bulshadda.
Tan iyo dilkii Paty, saraakiisha Faransiiska – oo ay taageerayaan muwaadiniin shacab uu badan – waxay soo bandhigeen xaqa ay u leeyihiin inay soo bandhigaan kartoonada, waxaana sawir gacmedkii si weyn loogu soo bandhigay socod ay ugu muujinayaan isgarab taaga macallinka la dilay.
Arintaan ayaa waxay dhalisay in carro badan laga muujiyo qaybo ka mid ah dunida Muslimka, oo ay ku jirto baaqyo lagu qaadacayo Alaabta uu soo saaro Faransiiska, iyadoo dowladaha qaar ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu wado qorshe ka dhan ah Islaamka. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaayey hadalo ka dhan ah Faransiiska iyaago isugu soo baxaay waddooyinka dhowr waddan oo u badan Muslimiin.
Weerarkii gaari xamuul Ee Ka dhacay Bestille (Bastille Day)
Faransiiska oo ay ku nool yihiin bulshadda ugu badan ee muslimiinta ah ee reer Yurub ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa la soo dersayay weeraro xagjir ah oo islaamiyiin ah waxaana magaalada Nice bartilmaameed uu noqday tiro ka mid ah.
Nice waxaa loo yaqaan xarun fasax ama dalxiis oo caan ku ah dalxiisayaasha Faransiiska iyo kuwa caalamiga ahba. Bishii Luulyo 14, 2016, kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay si ay u daawadaan Nice Dabaaldega Xafladda Maalinta Qaranka, oo ah fasaxa qaran ee Faransiiska, markii muwaadin u dhashay Tunisia uu si ula kac ah u jiirsiyey gaari weyn dadweynihii goobta dabaldega ka dhacay kusugnaa.
Ilaa 86 qof ayaa ku nafwayday in kabadan 400na waa ay dhaawacmeen, halka kumanaan kale ay wali la tacaalaan in ay ka soo kabtaan dhibaatadii soo gaadhay afar sano ka hor.
Hadaba xiligaa Madaxweynihii Faransiiska ee waqtigaas joogay François Hollande wuxuu ku dhawaaqay in weerarka uu ahaa “mid argagixiso oo aan la dafiri karin”.
Meel ay hiigsadan mujaahidiinta
Magaalada hodanka ah ee Nice Riviera ee Faransiiska ayaa si tartiib tartiib ah u heshay sumcad aysan ku faraxsaneyn inay tahay dhul ay ku soo baxaan mujaahidiin doon.
Waxaa la sheegaya in ay jiraan macluumaad ku saabsan weeraro argagixiso oo la fashiliye, kaas oo ay fashiliyeen hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka Faransiiska, laakiin mid ka mid ah marka laga reebo waa bambaano lala beegsanayey damaashaad Nice ee 2014 .
Dukumiinti ay soo saartay Agaasinka Guud ee Amniga Gudaha dalkaas (DGSI), wakaaladda sirdoonka gudaha ee Faransiiska, ayaa sheegaysa in Ibrahim Boudina , oo ah nin dhalinyaro oo Faransiis ah oo ku dhashay Algeria, uu qorsheynayay inuu qarxiyo bambooyin inta lagu gudajiro munaasabadda ay soo booqdaan boqolaal kun oo qof sanadkiiba.
Nice ayaa mar kale cinwaanada jaraa’idada qabsatey iyaado lala xiriirinaayo in Islaamka xagjirka ah dabayaaqadii 2014, markii la soo sheegay in qoys dhan, 11 qof oo dhammaantood ay halkaas ka tageen oo ay aadeen Suuriya. Wiilka ugu weyn qoyska ayaa lagu soo waramayey inuu kujiray dadka ay ku raadjoogeyn sirdoon muddo labo sano ah sababo la xiriira aragtidiisa diimeed ee xagjirka ah.
Amaanka oo aad loo Aadkeyey Nice
Nice waxay muddo dheer la halgamaysay cunsuriyad. Mudane Estrosi laftiisu wuxuu su’aal ka keenay xaqa ay kuwa ku dhashay Faransiiska ku leeyihiin inay helaan dhalasho toos ah. Wuxuu muslimiinta ugu yeeray “tiirka shanaad” wuxuuna ku tilmaamay qaar soo galootiga ah in ay Faransiis ku yihiin uun”warqad kaliya”.
Duqa Magaladda Mudane Estrosi wuxuu adkeyey Aamniga magaladda taas oo adkeysay in faldambiyeedka uu ka dhaco, wuxuuna ka dhigay magaalada mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan Faransiiska dhanka amniga. Nice waxay leedahay tiraadda ugu badan ee kamaradaha ilaalada dhamaan Dalka France.
Marka laga hadlayo ka hortagga, magaaladu waxay dhistay koox u gaar ah oo ka kooban qareenno, cilmi-nafsi yaqaanno iyo shaqaale bulsheed kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay ka wacyigaliyaan dhallinta ka tagaysa dalka ee dooneysa inay aadaan jihaadka dibadda. Nice sidoo kale waxaay leedahay mid ka mid ah barnaamijyada fara kutiriska ah ee ka jira qeybo ka mid ah faransiska kaas oo lagu caawinayo mujaahidiinta soo laabanaya inay dib ula qabsadaan bulshadda ay ka tageen.
Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group