25ka Xiddig Ee Man United U Ciyaaraya Premier League Oo La
Goolhaye Sergio Romero iyo daafaca Phil Jones ayaa ah labada xiddig ee waa weyn ee laga reebay liiska 25ka xiddig ee Manchester United u ciyaara horyaalka Premier League.
Labadaan xiddig ayaa sidoo kale laga reebay liiska ciyaartoyda Man United ee Champions League, taasoo xaqiijineysa inaysan labadooduba mustaqbal ku laheyn Old Trafford.
Goolhaye Sergio Romero ayaa dheeri ku noqday goolhayayaasha ay Man United u baahan tahay ka dib markii uu amaah ka soo laabtay goolhaye Dean Henderson oo wacdarro u dhigayay Sheffield…