Hay’adda dembi-baarista Soomaaliya oo xirtay afhayeenkii hore ee Galmudug
Hay’adda Dambi baarista Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka soo saartay maanta warqad u yeeris ah oo ku socotay Afhayeenkii hore ee Maamulka Galmudug Cabdullahi Xaashi Faarax.
Cabdullahi ayaa maalma ka hor sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku xireen Muqdisho,isaga oo xusay in ay ka qaadeen Sawirro aan anshax ahaan wanaagsaneyn.
Waxaa uu sheegay in lagu heystay farriin uu boggiisa Facebook, ku qoray taas oo uu uga hadlay siideynta Cabdikariin Sh. Muuse…