Joachim Low Oo Shaqadiisu Halis Ku Jirto, Kroos Oo Is Xajin
Xulka qaranka Germany ayaa bahdilaad 6-0 ah la kulmay xalay, waxaana si xun u xasuuqay Spain oo ka riixday booska kaalinta koowaad kaga soo baxaya Hormadooda League A4 ee ka mid noqonaya afarta ugu dambaysa.Toni Kroos waxa uu guul-darradan ku tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee abid soo maray taariikhda waddankaas, laakiin tababare Joachim Low oo xalayba ay bilaabatay in shaqada laga caydhinayo, ayaa isaguna ku sifeeyey in xataa aanu garanayn wixii dhacay.Guul-darradan oo ah tii ugu xumayd muddo 89 sannadood ee…