Waakan Rekoodhka Cajiibka Ah Ee Ay Haystaan Man United Iyo
Kooxaha Manchester United iyo Red Bull Leipzig ayaa caawa isku faro saari doona gegida Red Bull Arena kulan xiiso badan oo go’aamin kara midkooda u gudbaysa wareega 16-ka ee UEFA Champions League.
- Advertisement -
Labada kooxood ayaa min 9 dhibcood leh imika iyagoo la wadaaga Paris Saint-Germain oo kula jirta Group-ka balse kooxda ree France ayaa u muuqata mid ka fursad fiican maadaama ay Parc des Princes ku qaabilayso Istanbul Basaksehir.
Kahor kulankooda caawa, xog hadda lagu muujiyay shabakada Whoscored ayaa muujinaysa sida uu u xiiso badan yahay kulankani iyadoo labada kooxoodba ay rekoodh cajiib ah haystaan.
Rekoodhkan ayaa ah in RB Leipzig ay xilli ciyaareedkan holac ku tahay kulamada ay garoonkeeda ku ciyaarayso isla markaana ay Man United cajiib ku tahay kulamada ay martida tahay ee ay banaanka uga baxayso Old Trafford.
Red Devils ayaa xilli ciyaareedkan 9 kulan oo ay kusoo ciyaareen banaanka soo guuleystay 8 kamid ah iyagoo hal guuldarro oo kaliya kala soo kulmay Istanbul Basaksehir.
Dhinaca kale kooxda tababare Julian Nagelsmann ayaa ah mid rekoodh heer sarre ah ku haysat Red Bull Arena maadaama toddoba jeer oo ay xilli ciyareedkan ku ciyaareen ay dhammaantood soo guuleysteen oo aan xataa hal kulan bar-bardhac lagu qaban.
?? RB Leipzig home record this season
✅✅✅✅✅✅✅
??????? Man Utd away record this season
✅✅✅✅✅❌✅✅✅
⏳ Tonight: RB Leipzig ? Man Utd
? A draw is enough for United, but no side has come away from Leipzig with as much as point this season… pic.twitter.com/8jBG0WAd6p
— WhoScored.com (@WhoScored) December 8, 2020