“Paul Pogba Ka Takhalusa Oo Iska Dira, Waa Ciyaartoyga Loogu
Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa u sheegay kooxda uu mudada lasoo xifaaltamayay ee Man United inay iska fasaxdo khadka dhexe ee Paul Pogba kaddib hadalo kale oo culus oo kasoo yeedhay wakiilkiisa Mino Raiola.
- Advertisement -
Mino Raiola ayaan waxba u qarinin Man United xalay oo uu saxaafada la hadlay isaga oo sheegay inay iibiyaan xagaaga sanadka dambe ama ay bilaash ku waayi doonaan sanadka 2022 isaga oo toos u xusay inuusan heshiis cusub u saxeexayn.
Dhinaca kale Mino ayaa intaas ku daray in wakhtigii Pogba ee Old Trafford uu soo dhammaaday xilli ay jamaahiirta kooxdaasi si weyn uga fal-celiyeen hadalka kakan ee markale Raiola yidhi.
Taageerayaasha Man United ayaa dalbaday in keydka lagu qudhmiyo Pogba iyagoo ka cadhaysan sababta uu Raiola hadalkan ugu soo beegay xilli ay kulan guul ama geeri ah caawa la ciyaarayaan kooxda RB Leipzig maadaama oo ay ciyaaryahanka maskax ahaan saamaynayso.
Carragher oo xalay ka hadlay Sky Sports ayaa Red Devils kula taliyay inay qaataan talada oo ay iska iibiyaan Pogba oo uu ku sifeeyay xiddigii loogu buun-buuninta badnaa ee uu noloshiisa arkay xilli uu dhinaca kale sheegay in Pogba iyo wakiilkiisu waxa dhacaya isla og yihiin.
“Ka takhalusa, waxaan sidan lahaa mudo 12 bilood ah, waa ciyaaryahankii loogu buun-buuninta badnaa ee aan arkay noloshayda” ayuu Sky Sports u sheegay Jamie Carragher.
“Waxaan filayaa in labadooduba ay yihiin sharaf-dhac, dhammaanteen wakiil ayaynu eegaynaa imika waxaana aynu leenahay sida aad sheegtay weydii Pogba waxa uu u malaynayo”
“Wakiiladu maanta iyo casrigan kaliya maaha wakiilo, iyagu waa waalid, waa saaxiibka ugu wanaagsan, la taliye dhinaca maaliyada ah, waxay ballamiyaan meelaha fasaxa lagu qaadanayo, way is raacaan”
“Labadaasi waxay isku yihiin sidaas (Faraha ayuu is dhaafiyay), isagu waa saaxiibka ugu wanaagsan ee Pogba, sidaas darteed Pogba wuu ogyahay waxa afkiisa kasoo baxaya haddii uusan ogayna wakiilkiisa ayuu caydhin lahaa”