Leo Messi ayaa ka tagay kooxda ka dhisan magaalada Barcelona
Barcelona ayaa tababarka ku soo laabatay subaxnimadii Axada kadib fasaxii jiilaalka iyaga oo guul ka gaadhay Real Valladolid habeenkii talaadada, laakiin Lionel Messi ayaa seegay tababarkii maanta.Ciyaaryahanadda Blaugrana ayaa la siiyay afar maalmood oo fasax ah madaama tababare Ronald Koeman uu u ogolaaday Lionel Messi inuu ku laabto Argentina marka la gaaro Kirismaska.Tababaraha ayaa haatan siinaya Messi fasax dheeri ah, taas oo la micno ah in kabtanka uusan ku soo laaban doonin garoomada ilaa kulanka Eibar ee Camp Nou…