QIIMAYN: Xiddigaha Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku ceebaysan qiimaynta ciyaartoyda ugu fiican xilli ciyaareedkan, waxaanay ka maqan yihiin kaalmaha sare iyadoo xiddigooda ugu wanaagsanna uu yahay mid aanad rumaysan karaynin.

Xilli ciyaareedkan socda ayaa la kulmay dhibaatooyin uu ka dhaxlay midkii kasii horreeyey oo ah garoomo madhan, cabsida Korona Fayras iyo dhaawacyada tirada badan qaarkood loo aanaynayo tababarkii xilli ciyaareedka ka horreeyey ee meesha ka baxay iyo waqtiga dambe ee la dhamaystiray xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo qaybtii hore ee xilli ciyaareedka aad loo saluugsanaa bandhiggiisa ciyaareed ayaa waqti dambe boodhka iska jafay, waxaanu soo galay kaalinta koowaad ee ciyaartoyda ugu fiican ee loo saadaalinayo hanashada abaal-marinta ballon d’Or, inkasta oo ay dhibaato ku noqon doonto tartanka Champions League ee ay kooxdiisu waqtiga hore ka hadhay.

Qiimayn lagu sameeyey bandhigga ciyaartoyda ugu wanaagsan ayaa waxay muujisay in Messi uu wali yahay ciyaartoyga ugu fiican, isagoo booska kala baxay Robert Lewandowski oo muddo bilooyin ah booskaas haystay.

Tan iyo intii uu bilowday sannadkan 2021 ee bishiisii saddexaad sii dhamaanayso, Lionel Messi ayaa laba kulan oo kaliya oo horyaalka LaLiga ah aan goolal dhalinin, inta kale oo dhanna wuxuu saaxiib la ahaa shabaqa. 13 ciyaarood oo uu saftay ayuu dhaliyey 16 gool, kuwaas oo uu ku daray toddoba gool oo kale oo uu caawiye ka noqday.

Shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaaraha ee CIES Football Observatory ayaa samaysay qiimayn la xidhiidha bandhigga ciyaartoyda ee sannadkan cusub, waxaana kaalinta koowaad soo galay Messi, halka uu Robert Lewandowski labaad u dhacay.

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa  13 ciyaarood oo Bundesliga ah waxa uu dhaliyey 18 gool.

Laakiin waxa layaab noqotay in horyaalka Premier League in kubbad-sameeyaha Chelsea ee Jorginho uu yahay kan ugu wanaagsan, isagoo kasoo sare maray Harry Kane, Ruben Dias iyo dhamaan ciyaartoyda kale, waxaanu ku jiraa kaalinta saddexaad, halka uu Cristiano Ronaldo u dhacay afraad.

Qiimaynta CIES Football Observatory oo dhamaystiran:

20. Marcel Halstenberg – RB Leipzig

19. Maximilian Arnold – Wolfsburg

18. Luis Suarez – Atletico Madrid

17. Alexander Isak – Real Sociedad

16. Jose Fonte – LOSC Lille

15. Luis Alberto – Lazio

14. Robin Gosens – Atalanta

13. Wilfred Ndidi – Leicester City

12. Marcelo Brozovic – Inter Milan

11. Guillermo Maripan – AS Monaco

10. Jadon Sancho – Borussia Dortmund

9. Lorenzo Insigne – Napoli

8. Andre Silva – Eintracht Frankfurt

7. Toni Kroos – Real Madrid

6. Nabil Fekir – Real Betis

5. Cristiano Ronaldo – Juventus

4. Ruben Dias – Manchester City

3. Jorginho – Chelsea

2. Robert Lewandowski – Bayern Munich

1. Lionel Messi – Barcelona

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More