HORDHAC: Chelsea vs Sheffield United – Tuchel Oo
Kooxda qaab ciyaareedka iyo wakhtiga fiican ku naaloonaysa ee uu hoggaanka u yahay tababare Thomas Tuchel ee Chelsea ayaa galabta gegida Stamford Bridge kusoo dhawaynaysa dhigeeda ugu hooseysa Premier League ee Sheffield United kulan FA Cup ah.Tuchel ayaa wali guuldarro la’aan ah 13 kulan oo uu Chelsea hoggaamiyay ilaa hadda halka tababare bedelistii ay Sheffield samaysay ay qaabkii ugu xumaa ku bilaabantay kulankii ugu horreeyay oo ay guuldarro 5-0 ah kala soo kulmeen Leicester City.WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA…