ISKU-DHAF: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka El-Clasico, Xiddigaha
Shabakadda caanka ku ah ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ay u dooratay mida isku dhafka ah ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona iyadoo ku salaynaysa qiimaynteeda kahor kulanka labada kooxood dhex maraya caawa.Shaxdan ayuu ugu horreynba booska goolhayaha kusoo baxay Thibaut Courtois oo qiimaynta Whoscored kaga gacan sarreeya dhigiisa Barcelona ee Marc Andre Ter Stegen taas oo muujinaysa sida uu shabaq ilaaliyaha ree Belgium xilli ciyaareedkan uga fiicnaa dhigiisa German-ka…