Ma Run Baa In Laba Rikoodhe Laga Diiday Barcelona Kulankii Real Madrid
Barcelona ayaa guul-darro kala soo laabatay garoonka Alfredo Di Stefano, waxaana 2-1 kaga badisay Real Madrid oo la wareegtay hoggaanka horyaalka LaLiga.Los Blancos ayaa qaybtii hore weerarro rogaal-celis degdeg ah ku qaadday Barcelona, kuna heshay laba gool oo midkood laad xor ahaa oo ay kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Toni Kroos, halka Barcelona ay goolkeeda madiga ah heshay qaybtii dambe.Kooxda martida ah oo qaybtii dambe fursado badan heshay, balse nasiibku ka saacidi waayey, ayaa muran ka keentay go’aamadii garsoore…