Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku qaatey tallaalka Covid-19.
Hogaamiyaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaatay tallaalka COVID-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.
Hogaamiye Farmaajo ayaa seegay daah furka ololihii talaalka ee Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho waxaana daah furay ku simaha Wasiirka Caafimaadka Fowzia Abiikar Nuur.
"Masuuliyad adag ayaa naga saran in aan daryeelo muwaadiniinteena si aan uga hortagno faafida cudurkan faafa." Waxa ugu muhiimsan ayaa ah…