RIKOODH: Marcus Rashford Oo Xalay Jabiyey Rikoodh 56 Sano U Yaallay
Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa xalay soo qabtay rikoodh dhinaca gool-dhalinta ah oo muddo 56 sannaddood ah uu haystayy halyeygii reer Ingiriiska ee Sir Bobby Charlson.Ciyaartii Manchester United ay Khamiistii guusha kaga soo gaadhay Granada lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League, waxay habeen farxadeed u ahayd Marcus Rashford oo dhaliyey goolka koowaad ka hor intii aanu dhamaadkii rikoodhe ku darin Bruno Fernandes.Goolka Rashford ayaa noqday mid lagu qoray taariikhda kooxdiisa, waxaanu ku…