SAADAAL: Man United Oo Garaacaysa Spurs, City Oo Xasuuq Geysanaysa,
Horyaalka Premier League ayaa shakigii laga saaray kaddib geeridii Prince Philip oo keentay in su’aal la geliyo haddii ay kulamada toddobaadkani qabsoomi doonaan, waxaana war-saxaafadeed ku fasaxay xidhiidhka FA.Kulamo badan oo xiise leh ayaa toddobaadkan dhacaya, waxaana natiijooyinka kasoo baxa ay isbeddel dhab ah ku samayn doonaan kaalmaha ka hooseeya saddexaad, iyadoo ay sanka isku hayaan illaa shan kooxood oo ku tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen naadiyada kasoo muuqanaya tartamada Yurub xilli ciyaareedka…