Jordan Henderson Oo Kulan Degdeg Ah Ugu Yeedhay Kabtanada Kooxaha
Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayaa iskugu yeedhay kabtannada dhamaan kooxaha horyaalka Premier League, si ay go’aan uga gaadhaan tartanka European Super League ee hirgelintiisa ay ku dhawaaqeen kooxaha waaweyn ee Yurub.Ciyaaryahanadda iyo sidoo kale taageereyaasha ayay amakaag ku noqotay markii Axaddii ay kooxaha waaweyn shaaciyeen in ay samaysanayaan tartan u dhigta Champions League oo iyaga gaar u ah, kaas oo tirada kooxaha ka -qayb-gelaya ay yihiin 20 balse 15ka ugu waaweyn Yurub yihiin…