Jordan Henderson Oo Kulan Degdeg Ah Ugu Yeedhay Kabtanada Kooxaha

Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayaa iskugu yeedhay kabtannada dhamaan kooxaha horyaalka Premier League, si ay go’aan uga gaadhaan tartanka European Super League ee hirgelintiisa ay ku dhawaaqeen kooxaha waaweyn ee Yurub.

Ciyaaryahanadda iyo sidoo kale taageereyaasha ayay amakaag ku noqotay markii Axaddii ay kooxaha waaweyn shaaciyeen in ay samaysanayaan tartan u dhigta Champions League oo iyaga gaar  u ah, kaas oo tirada kooxaha ka -qayb-gelaya ay yihiin 20 balse 15ka  ugu waaweyn Yurub yihiin aaseyaasha.

Jordan Henderson oo la rumaysan yahay in uu ku jiro ciyaartoyda aan la dhacsanayn tartanka cusub ee ay kooxdiisuna aasaaseyaashiisa ku jirto ayaa waxa  uu kulan ugu baaqay kabtannada kale ee kooxaha Premier League, taas oo culays weyn ku keeni karta kooxahan.

Sida uu sheegay wariyaha wargeyska Daly Mail ee Mike Keagan, kulanka uu Jordan Henderson ku baaqay ayaa waxa qayb ka noqonaya kooxaha kabtannada kooxaha kale ee aan qaybta ka ahayn tartanka Super League.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in shirkan ay jawaab midaysan bixin doonaan, sidoo kale, go’aan wada-jir ah ay ka gaadhi doonaan tartanka cusub.

Waqtiga kulanka kabtannada iyo goobta uu ka dhacayo iyo haddii qaab Online ah ay ku xidhiidhayaan ayaan wali si rasmi ah loo shaacin.

Jordan Henderson ayaa hore u qabtay kulanka kabtannada oo noocan oo kael ahaa waqtigii uu Korona Fayras-ku cusbaa, markaas oo ay ururiyeen dhaqaale badan.

James Milner oo ah kabtan ku-xigeenka Liverpool ayaa isaguna xalay si cad u sheegay in uu kasoo horjeedo tartanka Super League.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More