Maxay Ahayd Sababtii Rasmiga Ahayd Ee Uu Ed Woodward Isku Casilay
Guddoomiye ku-xigeenkii, ahaana ninkii maamulayay Manchester United ee Ed Woodward ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii iyo shaqadii uu ka hayay kooxda intaba.War-saxaafadeed uu soo saaray Ed Woodward xalay fiidkii ayuu ku shaaciyey in uu iska casilay shaqadii Manchester United iyo xilkii uu hayayba waxyar ka hor intii aanay kooxdu ku dhawaaqin in ay ka baxday tartanka Super League ee muranka badan dhaliyey.Qoraalka uu soo saaray ayuu sharraxaad kaga bixiyey waxyaabo badan oo u qabsoomay muddadii uu jagan hayay,…