Champions League Oo Ka Faa’iidaystay Awooddii Dhaqaale Ee Halista

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa cashar ka bartay kooxaha waaweyn ee Yurub ee samaystay Super League oo fadhilmay kaddib culays weyn oo kaga yimid taageereyaasha, ciyaartoyda, khubarada iyo xidhiidhada kala duwan.

UEFA ayaa qaadaysa tallaabo ay ku abuuraysa dhaqaale, si aanay mar dambe ugu dhicin in kooxaha waaweyn ay iyagoo saluug tirsanaya aanay dib u bilaabanin hirgelinta qorshahooda hadda dib u dhacu ku yimid.

Baanka JP Morgan Chase oo ahaa midka maal-gelinta ku samaynayay Super League ayaa wali jooga, diyaarna u ah in kooxaha wali kusii dhegsan tartanka cusub ay si dhab ah isku abaabulaan, halka uu DANZ isaguna halkiisa ku sugayo, laakiin UEFA ayaa iyadoo aan dhinaca labadan shirkadood u kiccin, waxay doonaysaa in ay hesho hub sir ah oo ay kula dagaallami karto in Super League uu mar kale soo laabto.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in UEFA ay rajaynayso in ay hesho lacag illaa 7 bilyan oo Euro ah oo ay ku maalgeliso tartanka Champions League, taas oo ay u qaybin doonto kooxaha ka qayb-gelaya.

Sida ay sheegeen RMC Sport iyo Bloomberg, Madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa dardar gelinaya qorshe ay dhaqaale badan kaga helayaan shirkad weyn oo aan magaceeda la shaacin.

Shirkaddan ayaa la rumaysan yahay in saldhiggeedu yahay magaalada London, ayna maalgelin ku amayn doonto tartanka Champions League oo dib u habayn lagu samayn doono.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More