Kacdoonkii Ingiriiska Ee Lagula Dagaallamay Super League Oo U Wareegay

Kaddib markii ay xalay iskaga baxeen tartanka Super League dhamaan kooxaha Ingiriiska ee lixda ahaa ee qaybta ka ahaa aas-aaskiisa, waxa hadda rabshadihii u wareegeen waddanka Spain, halkaas oo ay ciyaartoydu bilaabeen in ay ka  hor yimaaddaan kooxahood.

Kubadda cagta ayaa soo martay toddobaad aan degganayn oo qas iyo buuq lagu jiray, taas oo ugu dambayntii abuurtay mudaharaad ay sameeyeen taageereyaasha, kuwaas oo sababay in xalay ay dib u dhacdo ciyaartii Chelsea iyo Brighton oo jamaahiirtu ay xidheen albaabka garoonka ee ay ciyaartoydu kasoo geli lahaayeen garoonka.

Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee isla xalayba ku dhawaaqda in ay ka baxday tartanka Super League, waxaana ku xigtay Manchester City, iyadoo waxyar kaddibna ay afarta kooxood ee kale ee Premier League ka tirsan ee Manchester United, Liverpool, Tottenham iyo Arsenal ay iyaguna go’aankaas oo kale qaateen.

Saddexda kooxood ee reer Spain ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid iyo waliba saddexda  Talyaaniga ah ee Inter Milan, Juventus iyo AC Milan ayaa iyagu wali aan qaadin tallaabo ay kaga noqonayaan tartankan, hase yeeshee waxa iyagana saaran cadaadis weyn.

Marka laga yimaaddo in FIFA & UEFA ay culays badan saarayaan kooxahan, ayna u dheer tahay hanjabaado la xidhiidha in ganaaxyo lagu soo rogayo, haddana cadaadiska ugu badan ayaa waxa uu hadda ka bilaabmay gudaha kooxaha iyadoo ciyaartoydu bilaabeen in ay ku kacaan.

Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horreeysay ee reer Spain ee uu qasku ka bilaabmo gudaheeda, waxaana si caddaan ah uga hor yimid difaaca reer Spain ee Gerard Pique oo ku dhawaaqay in ay qasab tahay, in waxa ay taageereyaashu doonayaan loo hoggaansamo.

Farriin uu daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi: “Kubadda cagta waxa iska leh taageereyaasha. Maantana way kasii badan tahay intii hore.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More