Real Madrid Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka LaLiga Xilli Karim
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga kaddib guul raaxo leh oo ay ka gaadhay Cadiz oo ay marti u ahayd.
Laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo uu dhaliyey Karim Benzema iyo midka saddexaad oo uu ku daray Alvaro Odriozola ayaa Real Madrid gacanta u geliyey guul 3-0 ay oo ay kasoo gaadhay Cadiz oo joogta garoonkeeda Estadio Ramon de Carranza.
Kulankan oo uu Zinedine Zidane isbeddello badan ku sameeyey safkiisa oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Toni Kroos iyo Luka Modric, ayaa…