DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay garoonka Kabul
Kabul (Axadle) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxa uu ka dhacay albaabka Abbey Gate. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel 200m u jirta isla albaabkaas.
Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geerriyootay, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada oo uu fuliyey qof…