Karim Benzema Oo Dhaawac Soo Gaarey Laba Maalmood Ka Hor Tartanka
Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dhaawac lagaga saaray qaybta hore ee kulankii saaxiibtinimo ee xalay ay la yeesheen Bulgaria, kaddib markii uu jilibka wax ka noqday, isla markaana uu dalbaday in la beddelo.Xiddigan dhowaanta dib loogu soo celiyey xulka France oo lix sannadood uu ka maqnaa ayaa rajaynayay in uu ciyaaro tartanka qaramada Yurub oo laba maalmood oo kali ahi ay ka hadhsan tahay waqtiga uu bilaabmayo, hase yeeshee waxa hadda uu mugdi ku jiraa haddii uu awoodi doono inuu ciyaaro.Maanta oo Arbaco…