Sawirro iyo wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha waddada Muqdi…
Muqdisho (Axadle) – Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa si habsami leh u socda, iyadoo maalmihii u dambeeyay la bilaabay in qeyb ka mid ah Wadada la saaro laamiga.
Waxaa socda dhismaha illaa 13KM oo laga bilaabay agagaarka Ex Koontarool Balcad, kaasi oo kamid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.
Dhismaha wadada oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday ayaa waxaa maal-galisay dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka.
Qatar ayaa sidoo kale hore u bixisay mashruuca…